¹ Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah. ² Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii. ³ Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis. ⁴ Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka. ⁵ Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin. ⁶ Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa. ⁷ Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan. ⁸ Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo. ⁹ Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada. ¹⁰ Wuxuu ku jiray dunida, dunidana waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo duniduna ma ay garanayn isaga. ¹¹ Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga. ¹² Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay, ¹³ oo aan ka dhalan dhiigga, ama doonistii jidhka, ama dad doonistiis, laakiin waxay ka dhasheen Ilaah. ¹⁴ Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa. ¹⁵ Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray. ¹⁶ Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco. ¹⁷ Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix. ¹⁸ Ninna ma arkin Ilaah marnaba, Wiilka keliya oo laabta Aabbaha ku jira kaasaa inoo sheegay.
© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna
0:00
0:00