Waa maxay qiimaha raacitaanka Ciise?

Fellowship

Iyadoo laga duulayo wixii idin soo maray tan iyo markii ugu dambeysay ee aan kulannay, waa maxay wax aad ku mahadsan tahay?
Maxaa ku adkaaday usbuucan, maxaadse u baahan tahay si ay arrimuhu u fiicnaadaan?
Maxay tahay baahida dadka bulshadaada, sideese isu caawin karnaa inaan daboolno baahiyaha aan soo sheegnay?
Maxay ahayd sheekadii markii ugu dambeysay ee aan kulanay? Maxaan ka barannay Ilaah iyo dadka?
Kulankeenii u dambeeyay, waxaad go'aansateen inaad dhaqangelisaan waxaad barateen. Maxaad samaysay, sideese u dhacday?
Sheekadii u dambaysay yaad wax kala wadaagtay? Sidee uga jawaabeen?
Waxaan ogaanay baahiyo dhowr ah markii ugu dambeysay ee aan la kulanno waxaana qorsheynay inaan lakulanobaahiyahaas. Sidee u dhacday?
Haddaba, aan akhrino qisada maanta ee Alle...

MATAYOS 10: 37-39

³⁷ Kan aabbihiis iyo hooyadiis iga jecel, ima istaahilo, oo kan wiilkiisa iyo gabadhdiisa iga jecel, ima istaahilo. ³⁸ Kan aan iskutallaabtiisa soo qaadan oo aan i soo raacin, ima istaahilo. ³⁹ Kan naftiisa helaa waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday waa heli doonaa.

MARKOS 8: 34-38

³⁴ Goortaasuu dadkii badnaa u yeedhay iyo xertiisiiba oo wuxuu ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco. ³⁵ Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona. ³⁶ Waayo, nin maxay u taraysaa hadduu dunida oo dhan helo oo uu naftiisa lumiyo? ³⁷ Nin muxuu u bixiyaa naftiisa beddelkeeda? ³⁸ Haddaba ku alla kii qarnigan dembiga iyo sinada leh kaga xishooda aniga iyo hadalkaygaba, Wiilka Aadanaha ayaa ka xishoon doona isaga markuu ammaantii Aabbihiis kula yimaado malaa'igaha quduuska ah.

© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna

Application

Haddaba, aynu qof kale u sheegno tuducan Luqadiisa, sidii iyagoo u sheegaya saaxiib aan weligii maqal. Aynu u gargaarno hadday wax ka tagaan ama wax ku daraan si khalad ah. Haddii ay taasi dhacdo waxaan ku weydiin karnaa, "Xaggee ka heshaa sheekada?"
Maxay sheekadani inaga baraysaa Ilaahay, dabeecadiisa iyo waxa uu sameeyo?
Maxaan ka baranaa dadka, oo ay ku jiraan nafsadaheena, sheekadan?
Sideed runta Ilaah uga dabaqi doontaa sheekadan noloshaada usbuucan? Waa maxay falka ama shayga gaar ah ee aad samayn doonto?
Yaad la wadaagi doontaa run sheekadan ka hor intaanan dib u kulmin? Ma garanaysaa kuwa kale oo iyaguna jeclaan lahaa inay ereyga Ilaahay ka dhex ogaadaan appkan sida annaga oo kale?
Marka uu shirkeennu soo xidhmo, aan go’aansanno goorta aan dib isu kulmi doono iyo cidda noo fududayn doonta kulankeenna dambe.
Waxaan kugu dhiirigelinaynaa in aad sameeyso xusus ee waxa aad sheegtay in aad samayn doonto, oo aad sheekadan dib u akhrido maalmaha ka hor inta aannaan mar kale kulmin. Fududeeyaha ayaa wadaagi kara sheekada qoraalka ama maqalka haddii qofna aanu hayn. Inta aan soconno, aan Rabbiga ka barinno inuu nagu caawiyo.

0:00

0:00