Waa maxay macnaha Baptism?

Fellowship

Iyadoo laga duulayo wixii idin soo maray tan iyo markii ugu dambeysay ee aan kulannay, waa maxay wax aad ku mahadsan tahay?
Maxaa ku adkaaday usbuucan, maxaadse u baahan tahay si ay arrimuhu u fiicnaadaan?
Maxay tahay baahida dadka bulshadaada, sideese isu caawin karnaa inaan daboolno baahiyaha aan soo sheegnay?
Maxay ahayd sheekadii markii ugu dambeysay ee aan kulanay? Maxaan ka barannay Ilaah iyo dadka?
Kulankeenii u dambeeyay, waxaad go'aansateen inaad dhaqangelisaan waxaad barateen. Maxaad samaysay, sideese u dhacday?
Sheekadii u dambaysay yaad wax kala wadaagtay? Sidee uga jawaabeen?
Waxaan ogaanay baahiyo dhowr ah markii ugu dambeysay ee aan la kulanno waxaana qorsheynay inaan lakulanobaahiyahaas. Sidee u dhacday?
Haddaba, aan akhrino qisada maanta ee Alle...

ROOMA 6: 1-4

¹ Haddaba maxaynu nidhaahnaa? Miyaynu ku sii soconnaa dembiga inay nimcadu badato? ² Yaanay noqon! Innagoo dembiga kala dhimannay, sidee baynu mar dambe ugu dhex noolaannaa? ³ Mise ma waydaan ogayn in kulli inteenna lagu baabtiisay Ciise Masiix dhexdiisa, lagu dhex baabtiisay dhimashadiisa? Haddaba waxaynu isaga kula aasannay baabtiiska dhimashada dhexdeeda, in, sidii Masiixa kuwii dhintay loogaga sara kiciyey ammaanta Aabbaha, aan innaguna sidaas oo kale cusaybka nolosha ku dhex soconno.

GALATIYA 3: 26-28

²⁶ Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix. ²⁷ In alla intiinna lagu baabtiisay Masiix, waxaad huwateen Masiix. ²⁸ Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix.

FALIMAHA RASUULLADA 10: 44-48

⁴⁴ Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan. ⁴⁵ Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah. ⁴⁶ Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya. ⁴⁷ Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay? ⁴⁸ Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.

© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna

Application

Haddaba, aynu qof kale u sheegno tuducan Luqadiisa, sidii iyagoo u sheegaya saaxiib aan weligii maqal. Aynu u gargaarno hadday wax ka tagaan ama wax ku daraan si khalad ah. Haddii ay taasi dhacdo waxaan ku weydiin karnaa, "Xaggee ka heshaa sheekada?"
Maxay sheekadani inaga baraysaa Ilaahay, dabeecadiisa iyo waxa uu sameeyo?
Maxaan ka baranaa dadka, oo ay ku jiraan nafsadaheena, sheekadan?
Sideed runta Ilaah uga dabaqi doontaa sheekadan noloshaada usbuucan? Waa maxay falka ama shayga gaar ah ee aad samayn doonto?
Yaad la wadaagi doontaa run sheekadan ka hor intaanan dib u kulmin? Ma garanaysaa kuwa kale oo iyaguna jeclaan lahaa inay ereyga Ilaahay ka dhex ogaadaan appkan sida annaga oo kale?
Marka uu shirkeennu soo xidhmo, aan go’aansanno goorta aan dib isu kulmi doono iyo cidda noo fududayn doonta kulankeenna dambe.
Waxaan kugu dhiirigelinaynaa in aad sameeyso xusus ee waxa aad sheegtay in aad samayn doonto, oo aad sheekadan dib u akhrido maalmaha ka hor inta aannaan mar kale kulmin. Fududeeyaha ayaa wadaagi kara sheekada qoraalka ama maqalka haddii qofna aanu hayn. Inta aan soconno, aan Rabbiga ka barinno inuu nagu caawiyo.

0:00

0:00