Sidee buu Ilaahay inoogu gargaari doonaa?

Fellowship

Iyadoo laga duulayo wixii idin soo maray tan iyo markii ugu dambeysay ee aan kulannay, waa maxay wax aad ku mahadsan tahay?
Maxaa ku adkaaday usbuucan, maxaadse u baahan tahay si ay arrimuhu u fiicnaadaan?
Maxay tahay baahida dadka bulshadaada, sideese isu caawin karnaa inaan daboolno baahiyaha aan soo sheegnay?
Maxay ahayd sheekadii markii ugu dambeysay ee aan kulanay? Maxaan ka barannay Ilaah iyo dadka?
Kulankeenii u dambeeyay, waxaad go'aansateen inaad dhaqangelisaan waxaad barateen. Maxaad samaysay, sideese u dhacday?
Sheekadii u dambaysay yaad wax kala wadaagtay? Sidee uga jawaabeen?
Waxaan ogaanay baahiyo dhowr ah markii ugu dambeysay ee aan la kulanno waxaana qorsheynay inaan lakulanobaahiyahaas. Sidee u dhacday?
Haddaba, aan akhrino qisada maanta ee Alle...

YOOXANAA 14: 15-27

¹⁵ Haddii aad i jeceshihiin, qaynuunnadayda waad xajin doontaan. ¹⁶ Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin, ¹⁷ waxaa weeye, Ruuxa runta ah oo aanay dunidu qaadan karin, waayo, ma aragto, garanna mayso, idinkuse waad garanaysaan, waayo, wuu idinla jiraa, wuuna idinku jiri doonaa. ¹⁸ Idiinkama tegi doono agoonnimo, ee waan idiin imanayaa. ¹⁹ In yar dabadeed dunidu i arki mayso mar dambe, idinkuse waad i arkaysaan. Waan noolahay, taas aawadeed idinkuna waad noolaan doontaan. ²⁰ Maalintaas waxaad garan doontaan inaan Aabbahay ku jiro, idinna aad igu jirtaan, anna aan idinku jiro. ²¹ Kii qaynuunnadayda haysta oo xajiya, waa kaas kan i jecel, kan i jecelna Aabbahay waa jeclaan doonaa, anna waan jeclaan doonaa, waana isu muujin doonaa isaga. ²² Yuudas (Yuudas Iskariyod ma aha) ayaa ku yidhi isaga, Sayidow, maxaa dhacay oo annaga aad isugu kaaya muujin doontaa, dunidana aadan isugu muujin doonin? ²³ Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Haddii nin i jecel yahay, ereygayguu xajin doonaa, Aabbahayna waa jeclaan doonaa, oo waannu u iman doonnaa, waanna la joogi doonnaa. ²⁴ Kii aan i jeclayn, ereygayga ma xajiyo: ereygaad maqlaysaanna kayga ma aha, laakiin waxaa leh Aabbaha i soo diray. ²⁵ Waxyaalahaas ayaan idinkula hadlay intaan idinla joogay, ²⁶ laakiin Gargaaraha Ruuxa Quduuska ah oo Aabbuhu ku soo diri doono magacayga, wax kasta ayuu idin bari doonaa, wuxuuna idin xusuusin doonaa wax kasta oo aan idinku idhi. ²⁷ Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.

© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna

Application

Haddaba, aynu qof kale u sheegno tuducan Luqadiisa, sidii iyagoo u sheegaya saaxiib aan weligii maqal. Aynu u gargaarno hadday wax ka tagaan ama wax ku daraan si khalad ah. Haddii ay taasi dhacdo waxaan ku weydiin karnaa, "Xaggee ka heshaa sheekada?"
Maxay sheekadani inaga baraysaa Ilaahay, dabeecadiisa iyo waxa uu sameeyo?
Maxaan ka baranaa dadka, oo ay ku jiraan nafsadaheena, sheekadan?
Sideed runta Ilaah uga dabaqi doontaa sheekadan noloshaada usbuucan? Waa maxay falka ama shayga gaar ah ee aad samayn doonto?
Yaad la wadaagi doontaa run sheekadan ka hor intaanan dib u kulmin? Ma garanaysaa kuwa kale oo iyaguna jeclaan lahaa inay ereyga Ilaahay ka dhex ogaadaan appkan sida annaga oo kale?
Marka uu shirkeennu soo xidhmo, aan go’aansanno goorta aan dib isu kulmi doono iyo cidda noo fududayn doonta kulankeenna dambe.
Waxaan kugu dhiirigelinaynaa in aad sameeyso xusus ee waxa aad sheegtay in aad samayn doonto, oo aad sheekadan dib u akhrido maalmaha ka hor inta aannaan mar kale kulmin. Fududeeyaha ayaa wadaagi kara sheekada qoraalka ama maqalka haddii qofna aanu hayn. Inta aan soconno, aan Rabbiga ka barinno inuu nagu caawiyo.

0:00

0:00