³⁶ Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn? ³⁷ Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan. ³⁸ Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya. ³⁹ Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. ⁴⁰ Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.
⁴ Maqal, Israa'iilow, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa Rabbi keliya. ⁵ Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo xooggaaga oo dhan. ⁶ Oo erayadan aan maanta kugu amrayo ha ku sii jireen qalbigaaga. ⁷ Oo waa inaad carruurtaada aad u bartaa oo aad kula hadashaa markaad gurigaaga fadhido, iyo markaad jid marto, iyo markaad jiifto, iyo markaad sara joogtaba. ⁸ Waa inaad iyaga calaamad ka dhigtaa oo gacantaada ku xidhaa, oo iyagu ha kuu ahaadeen qardhaas indhaha dhexdooda kuugu xidhan. ⁹ Oo waa inaad ku qortaa tiirarka albaabka gurigaaga iyo irdahaagaba.
© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna
0:00
0:00