⁴⁶ Intuu weli dadkii badnaa la hadlayay, ayaa hooyadiis iyo walaalihiis dibadda taagnaayeen oo doonayeen inay la hadlaan isaga. ⁴⁷ Mid baa ku yidhi, Bal eeg, hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay kula hadlaan. ⁴⁸ Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi kii u sheegay, Yaa hooyaday ah oo yaa walaalahay ah? ⁴⁹ Gacantiisa ayuu xertiisa ku taagay oo yidhi, Waa kuwan hooyaday iyo walaalahay! ⁵⁰ Waayo, ku alla kii yeela doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa walaalkay iyo walaashay iyo hooyaday ah.
³ Ammaanu ha u ahaato Ilaaha ah Aabbaha Rabbigeenna Ciise Masiix. Wuxuu Masiix inagu siiyey barako kasta oo Ruuxa ka timid ee ku jirta meelaha jannada, ⁴ xataa siduu inoogu doortay isaga dhexdiisa intaan dunida la aasaasin ka hor inaynu quduus ahaanno oo iin la'aanno isaga hortiisa, isagoo ina jecel, ⁵ oo hore inoogu doortay inuu inaga dhigto carruurtiisii xagga Ciise Masiix siduu doonayay oo ku farxay, ⁶ in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay. ⁷ Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna. ⁸ Nimcadaas wuxuu inoogu badiyey xagga xigmadda iyo miyirka oo dhan, ⁹ oo wuxuu ina ogeysiiyey qarsoodiga doonistiisa siduu ugu farxay oo Masiixa ugu fikiray ¹⁰ oo ugu talaggalay dhammaadka wakhtiga inuu Masiixa ku ururiyo wax kasta, waxa samooyinka ku jira iyo waxa dhulka joogaba.
© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna
0:00
0:00