²⁶ Laakiin markuu yimaado Gargaaraha oo aan xagga Aabbaha ka soo diri doono, isagoo ah Ruuxa runta oo xagga Aabbaha ka soo baxa, ayuu ii marag furi doonaa.
⁵ Laakiin hadda waxaan u tegayaa kii i soo diray, midkiinna i weyddiin maayo, Xaggee baad tegaysaa? ⁶ Waxyaalahaas aan idinkula hadlay aawadood, qalbigiinna murug baa ka buuxsantay. ⁷ Laakiin runta ayaan idiin sheegayaa, Waxaa idiin roon inaan tago. Haddaanan tegin, Gargaaruhu idiinma iman doono, laakiin haddaan tago waan idiin soo diri doonaa. ⁸ Isagu markuu yimaado wuxuu dunida ku caddayn doonaa xagga dembiga iyo xaqa iyo xukunka; ⁹ xagga dembiga, waayo, way i rumaysan waayeen; ¹⁰ xagga xaqa, waayo, Aabbahaan u tegayaa, imana arki doontaan mar dambe; ¹¹ xagga xukunka, waayo, kan madaxda dunida ah waa la xukumay. ¹² Wax badan oo kalaan leeyahay inaan idiin sheego, laakiin imminka qaadi kari maysaan. ¹³ Laakiin markuu kan Ruuxa runta ahu yimaado, wuxuu idinku wadi doonaa runta oo dhan, waayo, isagu iskama hadli doono, wuxuuse ku hadli doonaa wuxuu maqlo, wuxuuna idiin sheegi doonaa waxa imanaya. ¹⁴ Wuu i ammaani doonaa, waayo, waxayguu qaadi doonaa, wuuna idiin sheegi doonaa. ¹⁵ Wax kasta oo Aabbuhu leeyahay anigaa leh. Sidaa daraaddeed waxaan idhi, Waxayguu qaadaa, wuuna idiin sheegi doonaa.
© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna
0:00
0:00