Maxay qabtaan madaxda wanaagsan?

Fellowship

Iyadoo laga duulayo wixii idin soo maray tan iyo markii ugu dambeysay ee aan kulannay, waa maxay wax aad ku mahadsan tahay?
Maxaa ku adkaaday usbuucan, maxaadse u baahan tahay si ay arrimuhu u fiicnaadaan?
Maxay tahay baahida dadka bulshadaada, sideese isu caawin karnaa inaan daboolno baahiyaha aan soo sheegnay?
Maxay ahayd sheekadii markii ugu dambeysay ee aan kulanay? Maxaan ka barannay Ilaah iyo dadka?
Kulankeenii u dambeeyay, waxaad go'aansateen inaad dhaqangelisaan waxaad barateen. Maxaad samaysay, sideese u dhacday?
Sheekadii u dambaysay yaad wax kala wadaagtay? Sidee uga jawaabeen?
Waxaan ogaanay baahiyo dhowr ah markii ugu dambeysay ee aan la kulanno waxaana qorsheynay inaan lakulanobaahiyahaas. Sidee u dhacday?
Haddaba, aan akhrino qisada maanta ee Alle...

1 BUTROS 5: 1-11

¹ Anigoo anba oday la ah oo marag ka ah waxyaalihii Masiixu ku xanuunsaday oo weliba ka qayb qaadanaya ammaanta la muujin doono, waxaan ku waaninayaa odayaasha idinku dhex jira: ² Ilaaliya idaha Ilaah oo idin dhex jooga, idinkoo aan qasab ahaan u dhawrayn, laakiinse raalli ka ah sida Ilaah doonayo. ³ Oo weliba ha u dhawrina faa'iido ceeb ah daraaddeed, laakiinse ku dhawra maan diyaar ah, hana u xukumina sida idinkoo sayidyo u ah kuwaad u talisaan, laakiinse idaha masaallo u noqda. Oo marka Adhijirka sare la muujiyo, idinku waxaad heli doontaan taajka ammaanta oo aan baabba'ayn. Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa. Haddaba sidaas daraaddeed gacanta xoogga leh oo Ilaah iska hoosaysiiya, si uu wakhtigiisa idiin sarraysiiyo. Welwelkiinna oo dhan isaga saara, maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay. Feeyignaada oo soo jeeda, waayo, cadowgiinna Ibliiska ahu sida libaax ciyaya ayuu u wareegaa oo u doondoonaa cid uu liqo. Isaga hor joogsada, idinkoo iimaankiinna ku adag, oo garanaya in isla dhibaatooyinkaasu ay ku dhacaan walaalahiinna dunida ku jira. ¹⁰ Haddaba Ilaaha leh nimcada oo dhan oo idiinku yeedhay ammaantiisa daa'imkaa oo Masiixa ku jirta, markii aad in yar xanuunsataan ka dib isagu wuu idin kaamili doonaa, oo idin adkayn doonaa, oo idin xoogayn doonaa. ¹¹ Weligiis iyo weligiisba xoogga isagaa leh. Aamiin.

© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna

Application

Haddaba, aynu qof kale u sheegno tuducan Luqadiisa, sidii iyagoo u sheegaya saaxiib aan weligii maqal. Aynu u gargaarno hadday wax ka tagaan ama wax ku daraan si khalad ah. Haddii ay taasi dhacdo waxaan ku weydiin karnaa, "Xaggee ka heshaa sheekada?"
Maxay sheekadani inaga baraysaa Ilaahay, dabeecadiisa iyo waxa uu sameeyo?
Maxaan ka baranaa dadka, oo ay ku jiraan nafsadaheena, sheekadan?
Maxaan ka baranay sheekadi ku saabsaned hoggaamiyashi?
Sideed runta Ilaah uga dabaqi doontaa sheekadan noloshaada usbuucan? Waa maxay falka ama shayga gaar ah ee aad samayn doonto?
Yaad la wadaagi doontaa run sheekadan ka hor intaanan dib u kulmin? Ma garanaysaa kuwa kale oo iyaguna jeclaan lahaa inay ereyga Ilaahay ka dhex ogaadaan appkan sida annaga oo kale?
Marka uu shirkeennu soo xidhmo, aan go’aansanno goorta aan dib isu kulmi doono iyo cidda noo fududayn doonta kulankeenna dambe.
Waxaan kugu dhiirigelinaynaa in aad sameeyso xusus ee waxa aad sheegtay in aad samayn doonto, oo aad sheekadan dib u akhrido maalmaha ka hor inta aannaan mar kale kulmin. Fududeeyaha ayaa wadaagi kara sheekada qoraalka ama maqalka haddii qofna aanu hayn. Inta aan soconno, aan Rabbiga ka barinno inuu nagu caawiyo.

0:00

0:00