⁵⁴ Markaasay isagii qabteen oo kaxeeyeen, oo wadaadkii sare gurigiisa ayay geliyeen. Laakiin Butros baa meel fog ka daba socday, ⁵⁵ oo goortay barxadda dhexdeeda dab ka shideen, oo ay wada fadhiisteen, ayaa Butros dhexdooda fadhiistay. ⁵⁶ Laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi, Kanuna waa la jiray isagii. ⁵⁷ Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii. ⁵⁸ Waxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi. ⁵⁹ Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili. ⁶⁰ Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey. ⁶¹ Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa. ⁶² Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.
¹³ Kolkaasaa Ciise yimid oo qaaday kibistii oo siiyey iyaga, kalluunkiina sidoo kale. ¹⁴ Taasu waa markii saddexaad oo Ciise xertii isu muujiyey markii uu kuwa dhintay ka soo sara kacay dabadeed. ¹⁵ Haddaba markay quraacdeen dabadeed Ciise wuxuu Simoon Butros ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, kuwan ma iga jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Baraarkayga daaji. ¹⁶ Haddana wuxuu mar labaad ku yidhi isaga, Simoon ina Yoonisow, ma i jeceshahay? Wuxuu ku yidhi, Haah, Sayidow, waad og tahay inaan ku jeclahay. Markaasuu ku yidhi, Idahayga ilaali. ¹⁷ Markii saddexaad ayuu ku yidhi, Simoon ina Yoonisow, Ma i jeceshahay? Butros ayaa ka calool xumaaday, waayo, wuxuu markii saddexaad ku yidhi, Ma i jeceshahay? Markaasuu ku yidhi, Sayidow, wax walba waad og tahay, waadna garanaysaa inaan ku jeclahay. Ciise ayaa ku yidhi, Idahayga daaji.
© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna
0:00
0:00