Guriga dheer ee Baabel

Fellowship

Iyadoo laga duulayo wixii idin soo maray tan iyo markii ugu dambeysay ee aan kulannay, waa maxay wax aad ku mahadsan tahay?
Maxaa ku adkaaday usbuucan, maxaadse u baahan tahay si ay arrimuhu u fiicnaadaan?
Maxay tahay baahida dadka bulshadaada, sideese isu caawin karnaa inaan daboolno baahiyaha aan soo sheegnay?
Maxay ahayd sheekadii markii ugu dambeysay ee aan kulanay? Maxaan ka barannay Ilaah iyo dadka?
Kulankeenii u dambeeyay, waxaad go'aansateen inaad dhaqangelisaan waxaad barateen. Maxaad samaysay, sideese u dhacday?
Sheekadii u dambaysay yaad wax kala wadaagtay? Sidee uga jawaabeen?
Waxaan ogaanay baahiyo dhowr ah markii ugu dambeysay ee aan la kulanno waxaana qorsheynay inaan lakulanobaahiyahaas. Sidee u dhacday?
Haddaba, aan akhrino qisada maanta ee Alle...

BILOWGII 11: 1-9

¹ Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya. ² Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen. ³ Oo waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo. Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye. Rabbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane. Ina keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine. Kolkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen. Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.

© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna

Application

Haddaba, aynu qof kale u sheegno tuducan Luqadiisa, sidii iyagoo u sheegaya saaxiib aan weligii maqal. Aynu u gargaarno hadday wax ka tagaan ama wax ku daraan si khalad ah. Haddii ay taasi dhacdo waxaan ku weydiin karnaa, "Xaggee ka heshaa sheekada?"
Maxay sheekadani inaga baraysaa Ilaahay, dabeecadiisa iyo waxa uu sameeyo?
Maxaan ka baranaa dadka, oo ay ku jiraan nafsadaheena, sheekadan?
Sideed runta Ilaah uga dabaqi doontaa sheekadan noloshaada usbuucan? Waa maxay falka ama shayga gaar ah ee aad samayn doonto?
Yaad la wadaagi doontaa run sheekadan ka hor intaanan dib u kulmin? Ma garanaysaa kuwa kale oo iyaguna jeclaan lahaa inay ereyga Ilaahay ka dhex ogaadaan appkan sida annaga oo kale?
Marka uu shirkeennu soo xidhmo, aan go’aansanno goorta aan dib isu kulmi doono iyo cidda noo fududayn doonta kulankeenna dambe.
Waxaan kugu dhiirigelinaynaa in aad sameeyso xusus ee waxa aad sheegtay in aad samayn doonto, oo aad sheekadan dib u akhrido maalmaha ka hor inta aannaan mar kale kulmin. Fududeeyaha ayaa wadaagi kara sheekada qoraalka ama maqalka haddii qofna aanu hayn. Inta aan soconno, aan Rabbiga ka barinno inuu nagu caawiyo.

0:00

0:00