¹ Oo Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun kula hadlay dalka Masar, oo ku yidhi, ² Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad. ³ Shirka reer binu Israa'iil oo dhan la hadla oo waxaad ku tidhaahdaan, Maalinta tobnaad oo bishan waa in nin waluba wan qaataa sida reeraha aabbayaashood yihiin, qoys waluba wan ha qaato;
²¹ Markaasaa Muuse wuxuu u wada yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, La baxa wanan oo qoys, qoys u qaata, oo qala wanka Kormaridda. ²² Waxaad qaadataan xidhmo geed husob ah, oo waxaad dartaan dhiigga ku jira xeedhada, oo albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ku taabsiiya dhiiga ku jira xeedhada; oo midkiinna ilaa waagu ka beryo yuusan albaabka gurigiisa dibadda uga bixin. ²³ Waayo, Rabbigu wuxuu dhex mari doonaa dalka, oo wuxuu layn doonaa Masriyiinta, oo markuu arko dhiigga ku yaal albaabka fayaaraddiisa sare iyo labada dhinac oo fayaaradda ah ayaa Rabbigu kor mari doona albaabka, oo u oggolaan maayo in baabbi'iyuhu guryihiinna soo galo oo idin laayo. ²⁴ Oo waxan amar ahaan waa inaad weligiin u dhawrtaan idinka iyo carruurtiinnuba. ²⁵ Oo markii aad timaadaan dalka Rabbigu idin siin doono, oo uu idiinku ballanqaaday, waa inaad dhawrtaan u adeegiddan Ilaah. ²⁶ Oo markii carruurtiinnu idinku yidhaahdaan, Maxaad ula jeeddaan u-adeegiddan Ilaah? ²⁷ waxaad ku odhan doontaan, Waa allabarigii Rabbiga Kormariddiisii, kii kor maray guryihii reer binu Israa'iil markay Masar joogeen, oo samatabbixiyey reerahayagii, Masriyiintiise laayay. Markaasaa dadku madaxa u foororiyey oo u sujuuday. ²⁸ Markaasaa reer binu Israa'iil tageen oo sidaas yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen. ²⁹ Oo waxaa dhacday in habeenbadhkii Rabbigu laayay curadyadii dalkii Masar oo dhan, inta laga bilaabay curadkii Fircoon oo carshigiisii ku fadhiyey ilaa la gaadhay curadkii maxbuuska godxabsiga ku jiray, iyo curadyadii xoolaha oo dhan. ³⁰ Markaasaa habeenkaas waxaa kacay Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo Masriyiintii oo dhan; oo oohin aad u weyn baa Masar ka dhacday, waayo, ma jirin guri aan meyd oollin. ³¹ Markaasuu Muuse iyo Haaruun u yeedhay habeennimadii, oo wuxuu ku yidhi, Kaca, oo dadkayga ka dhex baxa, idinka iyo reer binu Israa'iilba; taga oo Rabbiga u adeega, sidaad u tidhaahdeen.
⁴⁰ Reer binu Israa'iil intay dalka Masar qariib ku ahaayeen waxay ahayd afar boqol iyo soddon sannadood. ⁴¹ Oo markii afartii boqol iyo soddonkii sannadood dhammaadeen, isla maalintaas ayaa Rabbiga dadkiisii badnaa oo dhammu ka baxay dalkii Masar. ⁴² Habeenkaasu waa habeen aad Rabbiga loogu dhawro, bixintii uu iyaga Masar ka soo bixiyey aawadeed; kaasu waa habeenkii Rabbiga oo ay reer binu Israa'iil oo dhammu ka ab ka ab aad u dhawraan.
© 2018 SIM International. Scripture text used by permission. © 2008 by Society for International Ministries-Kenya ℗ 2010 Hosanna
0:00
0:00